Rabshado ka soo cusboonaaday qeybo ka mid ah Itoobiya & boqolaal qof oo la xirxiray

Ugu yaraan 10 magaalo oo ka tirsan gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa waxaa ka socda rabshado cusub, waxaana looga codsanaya dowladda inay wax ka qabato rabshadaha ka dhacay halkaasi.

Mas’uuliyiinta dalka Itoobiya waxay sheegeen in xabsiga loo taxaabay in ka badan 200 qof oo lala xiriirinayo rabshadaha.

Labadii bilood ee la soo dhaafay in ka badan 30 qof ayaa lagu dilay gobolka Benishangul-Gumuz oo ku yaalla xadka Itoobiya uu la wadaago Suudaanta Koonfureed.

Dagaallada halkaasi ka dhacay waxaa ku dhintay 17 kamid ah ciidammada dowladda halka kumannaan qof ay ka barakaceen.

Dowladda federaalka iyo maamulada waxay sheegeen in colaadda ay hurinayaan dad kasoo horjeedo isbaddallada siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee ka socda Itoobiya oo uu garwadeenka ka yahay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -