Muxuu salka ku hayaa safarka Qarsoodiga ah ee Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska RW ku joogo Addis ababa?

Xoghayaha joogtada ee Xafiiska Raisul Wasaaraha Somalia Axmed Nuur Maxamed Cabdi

Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Raisul Wasaaraha Somalia Axmed Nuur Max’ed Cabdi ayaa labo cisho ka hor safar qarsoodi ah ku gaaray magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.

Safarka ayaa yimid xili Axmed Nuur Max’ed Cabdi uu maalmahan saarnaa culeys ka dhashay fadeexad ka soo wajahday shaqaale si musuq ah loo qoray oo uu ka diiwaan geliyey xafiiska raisul Wasaaraha iyo qaar kale oo uu si sharciga baalmarsan shaqada uga eryey.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Allbanaadir Online u xaqiijiyey safarka qarsoodiga ee xoghaye Axmed Nuur Max’ed Cabdi ku joogo Addis ababa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xoghayaha uu magaalada Addis ababa shirar qarsoodi ah kula leeyahay masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo halkaas ku sugan.

Kulamadan oo aan la ogeyn waxa looga hadlayo ayaa waxaa ka dhashay shaki badan, maadaama Xoghayaha shaqadiisu aysan aheyn xil siyaasadeed, dhinaca kalena uusan fiicneyn xiriirka ka dhexeeya dowlada federaalka iyo Maamulka Jubbaland.

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Xoghayaha uu si weyn uga cabsi qabo xilka ka qaadis la sheegay iney ku soo socoto, sidaas awgeedna uu masuuliyiinta Jubbaland ka sameysanayo saaxiibo cusub, isagoo taas uga bedelanaya inuu u dusiyo xogaha xasaasiga ah iyo qorsheyaasha ay xukuumadu ka damacsan tahay maamul goboleedyada.

Sidoo kale, waxaa laga waday sidii loo fashilin lahaa qorsheyaasha xukuumada Somalia ku damacsan tahay iney saameyn ugu yeelato doorashada Madaxweynaha Jubbaland, si meesha looga saaro hogaamiye Axmed Madoobe.

Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Raisul Wasaaraha ayaa shaqadiisu waxay tahay maamulka iyo kala hagida xafiiska uu ku magacaaban yahay, waxaana aad la isu weydiinayaa sababta uu kulamada siyaasadeed uga qeyb galayo.

Xafiiska raisul wasaaraha Somalia ayaa la sheegay inuusan ka warqabin kulamada qarsooduga ah ee Axmed Nuur Max’ed Cabdi ku joogo Addis ababa, isagoo ka qaatay fasax caadi ah oo la xiriira qaraabo Salaan.

Dhinaca kale, Shaqaalihii uu Axmed Nuur Max’ed Cabdi sida musuqa ah uga diiwaan geliyey xafiiska raisul Wasaaraha ayaa shaqada laga joojiyey, inta uu ka dhamaanayo baaritaan culus oo ku socda qaabka loo diiwaan geliyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -