Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

(Sawiro) Ciidanka Xoogga dalka oo howlgalo ka wada degaano ku dhow Jamaame

Ciidamada Xoogga dalka qeybta 43aad ee deegaanada Jubaland ayaa labaddii maalmood ee la soo dhaafay howlgalo qorsheysan ka waday degaanada u dhexeeya Degmooyinka Kismaayo iyo Jamaame ee gobolka J/hoose.

Howlgalkani ayaa saameeyay degaanada, Muuse Xaaji, Araare iyo Kaban oo dhamaantood ka tirsan gobolka J/hoose.

Howlgalka ayaa yimid ka dib markii ciidamadu shacabka ka heleen war ku saabsan qorshe kooxda Al-shabaab ku doonayeen inay ku jabiyaan karkaarada webiga Jubba si uu ugu fataho shacabka, isla markaana ay weeraro dhuumaaleysi ah ugu qaadaan degaanada xorta ah.

Howlgalkan intii uu socday ayaa ciidaamada waxaa u suurta galay inay soo saaraan, tiro miinooyin ah oo ay hareeraha wadooyinka ku aaseen Al-shabaab.

Col. Maxamed Badal Xasan oo ka mida saraakiisha howlgalkan hoggaamineysa ayaa Radio Muqdisho u sheegay, in howlgalku sii socon doono inta degaanada Jubooyinka laga xoreynayo Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maleeshiyaad ka qeyb qaadanaya dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

 Guddi loo saaray baaritaanka iska hor imaadkii Muqdisho ku dhax maray NISA iyo AMISOM (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Faahfaahino ka soo baxaya qaraxii Ismiidaaminta ee ka dhacay Afgooye & Khasaaraha ka dhashay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---