Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga doorashooyinka Qaranka oo war cusub soo saaray

Guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha Mudane Cabdikarim Axmed Xasan , oo maanta warbaahinyta kula hadlay magaalada Muqdisho , ayaa ku dhawaaqay in muddada u kordhiyeen ururada siyaasadda ee is-diiwaangelinaya.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in muddadii loogu talagalay in aay isku soo diiwaan galiyaan ururrada siyaasadda lagu daray muddo 21 cisho ah, kaddib qiimeyn ay sameeyeen, waxa uuna xusay in muddada lagu kordhiyay rajeenayaan in ururada siyaasadda isku soo diiwaangeliyaan.

Guddoomiyaha guddiuga doorashooyinka ,ayaa intaa raaciyay in muddadii horay loogu qabtay ururradu ay hayad 31 maarso, wuxuuna xusay in ay ururradu soo sodsadeen in 21 cisho loogu daro is-diiwaan gelinta maaddaama lagu jiro bil cibaado ay iyaguna ka aqbaleen.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku adkeysaneysa in dalka ka dhaceyso doorashgo qof iyo cod ah, xilli siyaasiyiinta mucaaradka kasoo horjeedaan kuna tilmaameen riyada dowladda mid aan xilligan suurto gal noqon karin.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Maaliyadda oo Arrimo Soomaaliya dan u ah kala hadlay madax kala duwan

Cabdi Cade

Trump oo fasaxay in Hub balaayiin Dollar jooga laga iibiyo Sacuudiga iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Xaguu ku Dambeeyay Xaalka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur?

admin
Taboola Ads ---