Gudoomiyaha Jabhada OLNF oo si weyn loogu soo dhaweeyay Adis Ababa (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya gaaray si heer sare ahna loogu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Jabhada ONLF Maxamed Cumar Cusmaan iyo xubno kale oo jabhadaasi katirsanaa.

Gudoomiyaha Jabhada ONLF iyo xubnaha la socday garoonka Diyaaradaha magaalada Adis Ababa waxaa kusoo dhaweeyay Wasiirka Maaliyada Itoobiya Axmed Shido iyo mauuliyiin kale oo katiran dowlada Itoobiya iyo maamulka Soomaalida.

Magaalada Adis Ababa ayaa maanta si weyn looga dareemay soo dhaweynta Hogaanka Jabhada ONLF oo Itoobiya kusoo laabtay sanado badan ay dalkaasi ka maqnaayeen, waxaana xubnahan saldhig u ahaa dalka Eritrea.

Hogaanka Jabhada ONLF ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Jigjiga iyo magaalooyin kale oo katirsan Maamulka Soomaalida waxaana halkaasi ka socda diyaar garow xoogan oo lagu soo dhaweenayo.

Dowlada uu hogaamiyo Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed ayaa heshiis nabadeed la gashay Jabhadihii iyo ururadii siyaasadeed ee dowlada mucaaradka ku ahaa, waxaana Itoobiya laga dareemayaa jawi isbadal siyaasadeed ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -