Allbanaadir.com
NEWS

Biden oo aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee Somalia

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona magaalada Washington D.C, Daahir Xassan Carab.

Danjire Carab ayaa sheegay in madaxweyne Biden uu kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal

“Waxaan uga mahad-celiyay dowladda Mareykanka taageeradeeda Soomaaliya ee dhinacyada ammaanka, xuquuqul insaanka iyo bani’aadannimada iyo dhinacyada kale ee horumarinta” ayuu yiri danjiraha.

Waxaa uu intaas ku daray in Madaxweyne Biden uu balanqaaday in mar walba ay garan taagan yihiin Somalia, ayna ka caawinayaan dhinacyada nabada,  horumarka, dib u dhiska iyo dowlad wanaaga.

Related posts

Xog ku saabsan Askari dhowaan dil u geystay bajaajle oo la baadi goobayo

Caydiid Ali

Jaamacadda Benaadir oo daahfurtay Barmaamij cusub oo Waxbarasho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo: Waare oo ka hadlay canshuurta Muqdisho (Khudbadiisa oo noqotay tan ugu xiisaha badan)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---