Shir Amaanka looga hadlayay oo ka dhacay magaalada Jowhar (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha cusub ee Dowladda Hirshabeelle Mudane Ali Gudlaawe Hussein ayaa maanta shir gudoomiyay Kulanka Guud ee Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo lagu qabtay magaalada Jowhar
 
Shirka oo maanta ay kasoo qeybgaleen Wasiiru dowlaha Amniga, Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Guutada 3aad ee qeybta 27aad, Taliyaha Ciidanka Danab ee Hirshabeelle, Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida iyo SirdoonkaHirshabeelle, Saraakiil ka socotay Taliska Guud ee Booliska Hirshabeelle, Taliyaha Ciidanka Haram cad ee Hirshabeelle iyo saraakiil kale.
 
Madaxweynaha ayaa kulankan muhiimka ah ee todobaadkiiba mar qabsooma warbixinta Amniga uga dhageystay saraakiisha Hay’adda Amaanka isagoona kula xisaabtama xaaladaha amni ee Hirshabelle.
 
Saraakiisha Amniga ayaa madaxwaynaha la wadaagay howlgalo qorsheysan oo Hay’adaha Amaanka ku sameeyeen is looga shaqeeyo nabad galyada Caasimada iyo Guud ahaan Magaalooyinka Hirshabeelle.
 
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Hay’adaha Amniga oo dhaqo culus u haya Bulshada Hirshabeelle, waxa uuna ku bogaadiyay in halkooda kasii wadaan howlaha sugida amaanka ee deegaanada Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -