Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya: “Arday ka badan 8 milyan ayaa Waxbarashada ka tagay”

Wasiirka Waxbarashada Itoobiya wuxuu qirtay in ku dhawaad 8 million arday ah ay ka tageen waxbarashadii ay wateen, gaar ahaan gobolka Amxaaradu deggan tahay iyo meelo kale.

Berhanu Nega wuxuu ka hadlayey kulan lagu qabtay magaalada Bahir Dar ee caasimada gobolka axmaarada.

Wasiirka, ayaa sheegay in 7.8 million arday ah ay dugsiyadii ka baxeen. 4 million arday waxay ahaayeen arday dhigan jiray dugsiyada gobolka Amxaarada ayuu yiri Wasiirku.

In ka badan 80% dhulkii gobolka Amxaarada waxaa hadda gacanta ku haya Jabhadda Fano.

Wasiirku wuxuu yiri “Schoolladii gobolka Amxaarada waxaan shaqaynayn 3,700 oo dugsi; ka dib markii uu saameyn ku yeeshay dagaalka u dhexeeya Jabhada FANO & Ciidamada Itoobiya

Dagaallada ka socda gobollo badan oo dhulka Xabashida ah iyo amni-xumada ayaa sal u ah kala-cararka ardayda, iyadoo Dowlada Itoobiya ay ku fashilantay iney siyaaasad ama dagaal midkood ku xaliso dagaalka ka holcaya gobolka amxaarada.

Sida ay baahisay Ethiopian Media Service (EMS), Jabhadda Fano waxay dishay 11 colonel iyo 5 Sarreeye-Guuto dagaalladii ugu dambeeyey ee usbuucaan dhacay.

Related posts

Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya oo Weerar afka ah ku qaaday Gudoomiyaha Aqalka sare

admin

Dowlada oo Amar kusoo rogtay Jaamacadaha kuyaala Muqdisho (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Nin baxsad ahaa oo shan gabdhood oo Soomaali ah oo ku jiray farxad ku dilay Mareykanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---