Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dadkii ka dambeysay Dilkii Wariye Jamal Khashoggi oo xayiraad lagu soo rogay

Dowlada Canada ayaa xayiraad adag kusoo rogtay saraakiil u dhalatay Boqortooyada Sacuusiga oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dilkii magaalada Istanbuul loogu geestay Wariye Jamal Khashoggi.

War kasoo baxay dowlada Canada ayaa lagu sheegay in xayiraad la saaray 17-sargaal oo u dhashay Sacuudiga, kuwaa oo si weyn loogu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dilkii foosha xumaa ee loo geestay Wariyaha u dhashay Sacuudiga .

Canada ayaa xayiraad kusoo rogtay hantida dalkaasi u taala saraakiishan lagu tuhmayo dilka Wariye Jamal Khashoggi, waxa ay sidoo kale Canada mamnuucday in dalkeeda soo galaan saraakiishaasi ay xayiraada kusoo rogeen.

Xubnaha ay dowlada Canada xayiraada kusoo rogtay ayaa la sheegay in uusan ku jirin Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga oo aad loogu tuhmayo in uu bixiyay amarka lagu dilay Wariye Jamal.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa cambaareyn xoogan kala kulantay dilkii magaalada Istanbuul loogu geestay Wariye Jamal Khashoggi oo dhaliili jiray maamulka ka taliya Sacuudiga, waxa uuna dilkan Sacuudiga kusoo kordhiyay cadaadis xoogan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wan lagu iibsaday Lacag gaareysa Labo Boqol Kun oo Doollar iyo hadal heyn ka dhalatay !!

Cabdi Cade

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Swizerland oo halis ugu jirto ineey xiranto

Cabdi Cade

Weerar gaari loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Munich

Cabdi Cade
Taboola Ads ---