Safaaradda Soomaaliya ee dalka Swizerland oo halis ugu jirto ineey xiranto

Waayadaan danbe waxaa aad usoo badanayay cabashooyinka shacabka ee la xiriira shaqada safaaraduhu bulshada u hayaan iyo adeegyada ay u qabtaan iyo  dhibaato ay kala kulmaan Shaqaalaha iyo madaxda safaradaha.

Safaaradda Soomaliya ee dalka Iswiizerland ee Ganeeva oo kamid ah Safaaradaha ugu muhiimsan dalka ayaa waxaa kajira Musuqmaasuq aad u baahsan oo gaaray in Safaaraddu gabto shaqadi ay u heeysay bulshada, kadib marki safiir Faaduma Cabdullaahi Maxamed ay albaabada iskugu soo laabtay safaaradda, tasoo keenta in mudda 3 bilood ah aysan wax adeeg ah aanay bulshadu kahelin Safaaradda.

Shaqaalihi safaaradda ayaa lagu soo warramayaa in ay qaarkood iska dhiibeen wadamada Faransiiska, Sweden Norway iyo wadama kale kadib dhoowr jeer ay Xukuumaddi hore uga soo cabteen arrintaan.

Safiir Faaduma Cabdullahi ayaa safaaradda masuuliyaddeedi gacanta u galisay wiil ay eedo u tahay oo aanan ka tirsanesyn shaqaalaha Safaraadda kaasoo ay ku keentay qaab qabyaaladeeysan.

Jaaliyadda ku nool dalkaas Iswiizerlaan ayaa cabashooyin badan horey uga muujiyay qeyla dhaanna soo gaarsiiyay xukuumaddi tan kahorreeysay balse wax jawaab ah kama helin iyo cid wax kaqabata cabashooyinkooda.

Dhibaatooyinka ugu badan ayaa ah in safaaradda dhan ay ka shaqeeyaan Safiiir Faaduma iyo wiilka ay eedada u tahay oo markeey doonaan safaaradda fura markeey doonaana albaabada iskugu dhufto, waxaa nasiib xumma ah in Safiir Faaduma ay bedelatay dhamaan furayaashi safaradda kalana dirtay shaqaalihi iyo diplomaciyiinti ka howlgalayay safaaradda..

Dadku waxeey dhibaata ku qabaan arrimaha bixinta Baaboorada iyo adeegyada kale oo ay kamdi yihiin aqoonsga iyo warqadaha Nikaaxa oo looga qaato lacaga aad u farabadan .

Safiir Faadumo Cabdullaahi Maxamed ayaa Muqdisho u joogta muddo 3 bilood kabadan arrimo siyaasadeed iyadoona olale ugu jirta raadinta Wasiir kamid ah golaha Wasiirada oo laga yaabo in isku shaandheeyn lagu sameeyo.

Jaaliyadda ku dhaqan dalka Swizerlaand ayaa codsi u diraya xukuumadda Reysulwasare Kheyre kana codsanaya in wax laga qabto arrimaha cakkiran ee ka taagan Safaradda Soomaaliya ee Dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -