Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo gaaray degmada Aadan Yabaal (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan Degmada Aadan Yabaal oo uu ka hoggaaminayo hawlgallada xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin Al- shabaab.

Madaxweynuhu ayaa u kuur-gali doonaa xaaladda ciidamada iyo xoogagga shacbiga ah ee u istaagay xoreynta deegaannadooda, isagoo warbixinno ka dhegeystay talisyada iyo hoggaannada ku sugan furimaha dagaalka, kuwaasoo maalmihii la soo dhaafay jab weyn gaarsiiyay cadowga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dul istaagi doona xaaladda nololeed ee deegaannada laga xoreeyey argagixisada muddadii la soo dhaafay, maadaama dowladdu ay dadaal badan ku bixisay gurmadka, adeegyada aasaasiga ah iyo daryeelka dadkeenna ku nool deegaannada la xoreeyey.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadinaysaa baraarugga dhallinyarada Soomaaliyeed, haweenka, waxgaradka iyo culimada ee ka dhanka ah argagixisada dhibaatada ku haysa dalkeenna, gaar ahaan taageerada halyeeyada Ciidamada Qaranka ee naftooda u huraya qarannimada iyo gobanida dalkeenna” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Dugsiga Amiin Quran Online oo fursad qaaliya u haya qurbajoogta soomaliyed wakhtiga summer-ka

Cabdi Cade

Boqolaal arday ka qelin jebisay Jaamacadda Banadir oo shahaadooyin la gudoonsiiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Khayre & Mahdi Guuleed oo siyaabo kala duwan uga hadlay RW la magacaabay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---