Allbanaadir.com
NEWS

Dollarka Mareykanka oo wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa

Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin karin ee maamulka Trump ay halis gelinayaan koboca dhaqaalaha Mareykanka.

Qiimaha Doollarka Mareykanka ayaa hoos u dhacay in ka badan 4% tan iyo bilowgii sanadkan, taasoo ah hoos u dhacii ugu weynaa tan iyo sanadkii 2008.

Khatarta sii kordheysa ee hoos u dhaca dhaqaalaha (recession) ayaa mar kale miiska soo saartay suurtagalnimada in la dhimo heerka lacagta dulsaarka (Interest Rate) ee sanadkan 2025. Lacagta dulsaarka ayaa kaalin weyn ka cayaarta qiimaha iyo saameynta doollarka Mareykanka.

Hoos u dhaca qiimaha Dollarka wuxuu khatar gelin karaa kororka qiimaha cashuuraha (tariffs) ee macaamiisha iyo ganacsiyada. Dhanka kale, wuxuu ka dhigi karaa badeecadaha iyo adeegyada Mareykanka kuwo qiimo jaban looga iibsan karo dunida inteeda kale.

Related posts

Warbixintii ugu dambeysay ee laga soo saaray Soomaaliya iyo cudurka COVID-19

Caydiid Ali

Madaxweyne Biden oo Hadiyad hadal heyn badan dhalisay siiyay Boris Johnson (Sawirro)

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo Shaaciyay in Caalamku garwaaqsaday in ay kala Go’aan Soomaaliya iyo Somaliland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---