Dowlada federaalka oo ciidamo hubeysan ka dejisay Magaalada Baydhabo (Daawo Sawirro)

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka K/Galbeed ayaa waxaa goor dhow gaaray ciidamo ay dirtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamadan oo ka duulay magaalada Muqdisho ayaa waxaa Garoonka Shaatigaduud ka dejisay diyaarad gaar ah waxayna ku lebisan yihiin dareyska ciidamada Booliska.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada maanta la geeyay magaalada Baydhabo ay gaarayaan ku dhowaad boqol askari, lama oga ujeedkooda kamana hadlin wasaaradda amniga mamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda Federaalka Somalia.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Somalia oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba ayaa ka digay faragelin dowladA Somalia ku heysto doorashada K/Galbeed, waxayna dalbadeen ciidamadaasi dib loo celiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -