Xildhibaano ku shiray Baydhabo oo digniin ka bixiyey ciidamada halkaas la geeyey (Sawirro)

Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Federaalka oo goor dhow shir jaraaid ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ku soo daabuleyso Ciidamo hubeysan Baydhabo, kuwaasoo la doonaayo in lagu carqaladeeyo doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.

Xildhinaanada ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay faragalin qaawaan ay ku heyso doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.

xildhibaan Aadan Madoobe ayaa sheegay ineysan baydhabo ay tahay mid nabdoon oo aysan ka jirin xaalad sababeysa in ciidamo loo soo diro

“Musharaxiinta hadda noo joogta ma jiro mid la diidan yahay dhamaantood wey noo siman yihiin balse waxaan diidanahay in musharax gaar ah dadka lagu qasbo” ayuu yiri Aadan Madoobe oo ku baaqay in dib loo celiyo ciidamada la geeyey Baydhabo.

Dowladda dhexe ayaa horay loogu eedeeyay in ay Baydhabo geysay Ciidan iyo waliba lacag lagu taageerayo Mid ka mid ah Musharaxiinta u taagan doorashada maamulka Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -