Shirkad shaqaalaheeda ku soo rogtay amar yaab leh oo muran badan dhaliyey

Mid ka mid ah shirkadaha Shiinaha ee ka shaqeeya dhismaha ayaa aad loo dhaliilay ka dib markii ay soo baxday inay shaqaalaheeda ganaaxdo haddii ay bishii socon waayaan 180,000 kun oo tallaabo.

Wargeyska Information Times ayaa baahaiyey in shaqaalaha shirkadan oo aan magaceeda la shaacin kuna taalla magaala Guangzhou ayaa shaqaalaha ganaaxday 0.01 yuan (lacagta Shiinaha) tallaabo kaste oo ay ka hoos maraan socodka la faray.

Qaar ka mid ah shaqaalaha ayaa sheegay in shaqaalaha ay ku adkaatay inay 6,000 oo tallaabo socdaan saacadaha aysan shaqada joogin.

Sharci-yaqaanada dalkaas ayaa sheegay in shirkaddan la eedaynayo aysan xaq u lahayn inay ku ganaaxdo shaqaalaheeda iyadoo tallaabooyinka ay qaadaan hal beeg uga dhigaysa firfircoonidooda.

Wargayska Information Times wuxuu sheegay in kiisan uusan ahayn midka kali ah ee la og yahay ee shirkaddii ay shaqaalaha u dajisay xeer ku saabsan lugaynta.

Sannadkii 2017 shirkad teknoolajiyadda ka shaqaysa oo ku taalla magaalada Chongqing ayaa lagu dhaliilay in ay shaqaalaha ku amartay in ay maalin walba socdaan 10,000 oo tallaabo.

Shirkadaha noocan ah ayaa lagu eedeeyaa in ujeedada ay amarada noocan ka leeyihiin ay tahay sidii ay u heli lahaayeen hanaan ay lacagta uga jartaan shaqaalahooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -