Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo baaq Muhiim ah u diray Culimada Soomaaliyeed

Duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa ka qayb galay munaasabad soo gootin ah  oo loo sameeyey xubnaha isxilqaamayaasha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ee uu hoggaaminayiyay Sheekh Maxamed Cabdi Umal, kuwaas oo soo gaarsiiyey dalka deeq ay kaga qayb qaadanayeen gurmadkii loo fidiyay dadka soomaaliyeed ee dhibaatada ka soo gaartay roobabkii iyo fatahaadahii ku dhuftay qaybo ka mida dalka.

Munaasabaddan oo ay goobjoogayaal ka ahaayeen  wasiirro, xildhibaanno , culima udiin, iyo waxgarad kale, waxa uu guddoomiyuhu ugu horeyntii ka codsaday  qaybaha culimada Soomaaliyed in ay sii dardar galiyaan doorkooda muuqda ee wacyi gelinta bulshada, ilaalinta midnimada iyo la dagaallanka fikirka gurracan ee argagixisada.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa ku bogaadiyey xubnaha wafdigaan, gaar ahaan Sheekh Maxamed Cabdi Umal doorka hoggaamineed ee uu ka qaatay sidii Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ay gacan muuqata uga gaysan lahaayeen howlahii gurmadka.

Duqa Muqdisho ayaa la wadaagay culimada Soomaaliyeed sida Maamulka Caasimadda ay uga go’an tahay in ay garabsadaan oo kaalin hormuudnimo ay ka siiyaan barnaamijyada wacyi gelinta, darisaynta iyo dib u heshiinta, asigoo ugu danbayntii faray culimada soomaaliyeed in ay horseed u noqdaan xaqiijinta bulsho midaysan oo u jiheysan dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo iyo Wafdigii uu horkacayey oo lagu soo dhoweeyey Nairobi (Sawirro)

Caydiid Ali

Sida lagu ogaaday Halkii uu ku sugnaa Ayman al-Zawahiri iyo cida xogtiisa lala wadaagay

Cabdi Cade

Nin lahaa 57 xaas iyo boqolaal caruur ah oo geeriyooday isagoo 74 jir ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---