Weerar qaraxyo ku bilowday oo saaka ka dhacay degaanka Goof-guduud

Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa saaka weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday degaanka Goof-guduud oo ku yaalla meel qiyaastii 30km u jirta Magaalada Baydhabo.

Qaraxyada ka dib dagaal culus ayaa muddo labo saacadood ka badan dhexmaray ciidamada dowlada ee halkaas ku sugnaa  iyo Xoogaga Al-shabaab ee Weeraray.

Goob-joogayaal ayaa sheegaya in Al-shabaab ay dhowr jiho ka soo weerareen degaanka, ayna la wareegeen fariisimo ciidamada dowladu ku leeyihiin degaanka

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka iyo qaraxyada saaka ka dhacay degaanka Goof-guduud inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

Al-shabaab ayaa sidan oo kale weeraro kan la mid ah uga geystay degaanka Goof-guduud ee gobolka Bay, kuwaasoo geystay khasaare kala duwan, iyadoo Wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in ciidamo gurmad ah ay ka baxeen magaalada Baydhabo si ay gacan u siiyaan saaxiibadood Goof-guduud lagu weeraray.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -