Ozil iyo Gündogan oo u sharaxay Madaxweynaha Jarmalka kulankii ay la qaateen Erdogan (Daawo Sawirro)

Ciyaartoyda caanka ah ee Mesut Özil iyo Ilkay Gündogan katirsan xulka Jarmalka sidoo kale ka ciyaara Horyaalka Ingiriiska ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha dalka Jarmalka Frank-Walter Steinmeie.

Labadan ciyaartoy ayaa gudaha Jarmalka kala kulmay dhaleeceyn xoogan oo uga imaaneysay dhinacyo kala duwan kadib markii magaalada London kula kulmeen Madaxweynaha dalka Turkiga  Racep Tayib Erdogan.

Siyaasiyiin kala duwan oo u dhalatay dalka Jarmalka ayaa ku eedeeyeen labadan ciyaartoy in ay taageero u fidiyeen Madaxweyne Erdogan ka hor inta aysan dalkaasi Turkiga doorashooyinka ka dhicin.

Mesut Özil iyo Ilkay Gündogan oo kamid ah Xidigaha Jarmalka ku matalaya koobka Aduumnka ayaa lagu eedeeyay in aysan daacad u aheyn Qaranka Jarmalka ay magaciisa ku cayaarayaan.

Madaxweynaha dalka Jarmalka oo kulan gaar ah la qaatay Mesut Özil iyo Ilkay Gündogan ayaa ka codsaday in ay cadeeyaan mowqifkooda iyo sidoo kale kulankii ay la qaateen Madaxweynaha Turkiga.

Ciyaaryahan Mesut Özil ayaa u sheegay Madaxweynaha Jarmalka in uu bar bar taagan yahay Qarankiisa Jarmalka kuna faraxsan yahay, Ilkay Gündogan ayaa isna sidoo kale Madaxweynaha u sheegay in uu bar bar taagan yahay Jarmalka kuna faanayo.

Labadan Ciyaartoy ee asal ahaan kasoo jeeda dalka Turkiga ayaa kamid ah ciyaartoyda ay ku tashaneyso xulka Qaranka Jarmalka, waxaana xiddigahan taageerayaal badan ku leeyihiin dalka Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -