Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’isul Wasaare Khayre oo amar cusub siiyey golihiisa Wasiirada (Daawo Sawirro)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo guddoomiyay kulankii maanta ee golaha wasiirrada ayaa faray dhammaan wasiirrada xukuumadda in kahor dhammaadka bisha December ay dhamaystiraan hawlaha uga harsan qorsha hawleedka sannadka 2018-ka.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dhammaystirka qosha howleedka sannadkaan ay fududaynayso in si fudud loogu gudbo qorshayaasha qaran ee sannadka 2019.

Kulanka golaha wasiirrada ee maanta ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay dhammaan warbixinno iyo hal-beegyada tubaha ee qorshuhu ahaa in fulintooda lagu guulaysto sannadkaan dhammaadka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Duco dhaqameedka (Istaqfurowga) oo galabta lagu qabtay degmada Xamar-weyne (Sawirro)

Caydiid Ali

Magaalo ka tirsan Somalia oo laga digay in doorasho lagu qabto & ciidamo ka tirsan DF..

Caydiid Ali

Mareeyaha Hay’ada Duulista Ethiopia oo qiray inay Somalia kaga hotmartay dhanka aviation ka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---