Allbanaadir.com
NEWS

Mareeyaha Hay’ada Duulista Ethiopia oo qiray inay Somalia kaga hotmartay dhanka aviation ka

Hay’ada Duulista Rayidka Somaliyeed ayaa hormarro badan ka samaysay dhanka Aviation Somalia, marka loo eego mudadii yarayd ee ay dhisnayd hay’adu taasina waxa ay ku timid dadaalka Hogaanka hay’ada oo aqoon durugsan u leh Shaqada.

”Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed waxa ay ka hormartay hay’ado kale oo dalkoodu uusan burburin sida dalkeen,
Mareeyaha Hay”ada Duulista Ethiopia ayaa sidan yidhi.

Waxa uu intaa ku daray ”Tani waa marxalad Guusha ay gaartay hay’adda Duulista iyo tas-hiilaadkeedu u dhan yihiin; iyo dowlaheeda Duulista; oo aan indhaheena ku aragnay. waxaan u maleynayaa in ay tahay tan ugu horeysa ee wadamada Bariga Afrika sidaa darteed, waxaan ku ammaanayaa doorkii ay ka qaateen adiga oo mas’uulkii Hay’adda ah, Ahmed Moallin Hassan iyo Agaasimaha Guud Ali Gaal Gabow Guusha aad Gaarteen Hay’adda Duulista Soomaaliya”

Maareeyaha haayadda duulista rayidka Soomaaliyeed Mudane Axmed macalin xasan ayaa ku amaanan qorshayaasha iyo shaqooyinka uu sameeyey mudada uu hayo xilka ugu sareeya ee Hay”ada.

Hormarinta madaarada wadanka waa hannaan habaysan oo ku lug leh tilmaamaha horumarinta garoon diyaaradeed oo hufan. Ujeedada ugu muhiimsan ee qorshaynta madaarku waa in la awoodo in si hufan loo isticmaalo agabka.

Garoomada diyaaradaha ayaa sidoo kale qorshayaal heer sare ah si ay ugu guulaystaan ​​kaabayaasha dhaqaalaha dalkeena
Hay’adu waxay ka mid noqotay hay’adaha calaamka ee ka shaqeeya aviation nada Sida International Civil Aviation Organisation (ICAO), Arab Civil Aviation Organisation (ACAO) iyo hay”ado kale oo badan
Mareeyaha Hay’ada duulista Ethiopia ayaa qiray inay Somalia uga horayso dhanka Hormarka Aviation ka

(Halkan)👇 ka Daawo muqaalka Maareeyaha aviation ka Ethiopia

Qore Mohamed Abdi Osman Faradheere

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saldhig ay leeyihiin Xoogaga Al-Shabaab oo xalay cirka laga duqeeyey

Caydiid Ali

Toogasho saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Eritrea oo farta ku fiiqday Dalal ka shaqeenaya xumeynta xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya

Cabdi Cade