C/wali Gaas oo dhagax dhigay Mashaariic cusub oo ku kacaya Malaayiin dollar (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka dhagax dhigey mashaariico horumarineed Degmada Dhahar.

Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey dhagax dhigga masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Puntland, isimo, waxgarad, nabadoono, siyaasiyiin aqoonyahano, iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland

Mashaariicdan horumarineed ee uu madaxweynuhu ka dhagax dhigey magaalada Dhahar ayaa kala ah 100 guri oo loo dhisayo dadka barakacayaasha ah ee xooluhu kaga dhamaadeen abaaraha iyo shacab kasoo jeeda Puntland gaar ahaan Sanaag iyo Haylaan oo kasoo barakacay dagaaladii Ethopia ku dhex maray Oromada iyo Soomaalida, iyo sidoo kale wado laamiya oo isku xiri doonta Magaalada Sheerbi iyo Degmada Xiingalool.

Dhinaca kale Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulaahi Cartan oo goobta dhagax dhiga ka hadlay ayaa sheegay mashaaricahan horumarineed ee Dowladda Puntland ka hirgalisey Gobolada Sanaag iyo Haylaan ay yihiin waa cusub oo ubaryey goboladaas, isla markaana maamuladii Puntland soo maray aysanba weligood dhulkan cagaha soo dhigin marka laga reebo maamulka Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Sidoo kale mashruuca wadada laamiga ah ee isku xiri doonta Magaalada Sheerbi iyo Degmada Xiingalool ayaa qaybta 1-aad oo ah Sheerbi Dhahar oo ay ku bixi doonto lacag dhan $ 3,0000 (Sadex milyan oo doolar) waxaa lacgtaas bixinaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Horumarinta Reer Miyiga.

“Waan bogaadinayaa dhagax dhiga mashaariicdan Wasaarada Arrimaha Gudaha bilad ayaan siinaynaa maanta sababtu waxaa weeye 100 guri iyo qaybtii 1-aad ee wadada oo ah Sheerbi ilaa Dhahar ay $ 3,0000 (Sadex milyan oo doolar) ku bixinayaan kaga qayb qaadanayso inta kale ee dhimana oo ah ilaa Xiingaloolna anaga ayaa dhamaystirayna, mashruucaasi waa dhaqaaqay, waana bilowday, ciddii riyo u malaynaysayna wakaas waa dhaqaaqay mashruucaasi” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Gaas ayaa markii uu soo dhamaaday dhagax dhiga mashaariicdaasi safar dheer oo dhulka ah dib ugu soo laabatay Caasumada Dowladda Puntland ee Garoowe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -