Daawo Sawirada: Waare oo Beledweyne Ku Qaabilayay Wafdi Ka Socday Midowga Africa

Wafdi ka ka socda Guddiga Nabadgalyada iyo amniga Midowga Afrika ayaa soo gaaray magaalada Beledweyne, iyadoo Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle  Maxamed Cabdi Waare iyo Golihiisa Wasiirada ay kulan la qaateen.

Kulankan ayaa looga hadlay Xoojinta ammaanka Hirshabelle iyo sidii la isaga kaashan lahaa dar dargalinta Howlgalada ay ka wadaan ciidamada AMISOM dowlad goboleedka Hirshabelle.

Guddiga oo ka kooban 15-dal, ayaa ujeedka socdaalkooda wuxuu yahay iney arkaan horumarka dhinac amniga iyo sidii Hirshabelle looga gacan siin lahaa xoojinta amniga, sidoo kalena ay dhageystaan baahiyaha iyo caqabadaha dhinaca amniga ah ay qabaan.

Maxamed Idiris Faarax,Safiirka Jabuuti u fadhiya Itoobiya oo wafdigan hogaaminayay ayaa madaxweynaha sharaxaad ka siiyay, ujeedka safarkooda isagoo xusay in ay salka ku heyso sidii si dhab ah looga shaqeyn lahaa horumarinta dhinaca amniga Hirshabelle wuxuuna ka mahadceliyay soo dhoweynta loo sameeyay.

Sidoo kale wuxuu amaanay doorka ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jibuuti iyo Itoobiya ee xaqiijinta amniga iyo naftii hurnimada ay kaga howlgalaan, wuxuuna bogaadiyay shaqada Hufan ay dadka iyo dalka u hayaan.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeir,ayaa ku ammaanay Madaxweyne Waare dadaalka uu ugu jiro Hirshabelle oo Horumar iyo amni buuxa gaarta, sidoo kalena uu sheegay dadku in ay ku dhiiran yihiin in amni ay gaaraan, si gaar ah waxa uu carabka ku adkeeyay, ka amisom ahaan in ay qorsheynayaan in ay balaariyaan howlgalada Hirshabelle laga sameynayo kaasi oo lagu ciribtirayo argagaxisada islamarkaana la isugu furayo wadooyinka Kala xiran ee Dowlad Goboleedka.

Kulanka oo saacada qaatay ayaa Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, si qotodheer kaga hadlayay baahiyaha dhinaca amniga ah ee ka jira Hirshabelle, waxaana uu dul istaagay wadooyinka kala xiran oo cadowgu kala go’doomiyeen bulshada taasi oo caqabad ku ah umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Hirshabelle.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelle ayaa kaga mahadceliyay wafdigani heerkiisu sareeyay booqashada ay ku yimideen Beledweyne, waxaana uu ka dalbaday in si deg deg loo fuliyo howlgalada la qorsheynayo in laga sameeyo Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -