Allbanaadir.com
NEWS

Sudan oo hal arin uga mahad celisay dowlada Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabilay danjiraha Jamhuuriyadda Sudan u fadhiya Soomaaliya Mudane Abdelrahman Khalil Ahmed Afandi

Waxaa uu kala hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal iyo fursadaha cusub ee iskaashi dhinacyada kala duwan leh.

Danjire Abdelrahman ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahad celiyey garab istaagga ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Sudan markii dhibaatooyoinku ka dhaceen dalkaas, waxaana uu ballan qaaday in Suudaan ay xoojin doonto xiriirka walaalnimo ee labada dal ay wadaaggaan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa walaalaha Suudaan uga mahad celiyey doorka ay ka qaateen waxbarashada dhallinyarada Soomaaliyeed xilligii adkaa ee dalkeennu soo maray

Waxaa uu xusay in Dowladda Soomaaliyeed garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Sudan, waxa  uuna bogaadiyey dadaallada dib loogu soo celinayo deganaanshaha Suudaan, laguna xoojinayo midnimada iyo wadajirka ummadda reer Sudan.

Related posts

(Sawirro) Sidee Xassan Shiikh oo loogu soo dhoweeyey Magalada Dhuusamareeb?

Caydiid Ali

Olaf Scholz oo codka kalsoonida weydiisanaya Baarlamaanka kaddib burbur soo…

Cabdi Cade

Gaadiidka qaar iyo Mooto Bajaajta oo Mudo kooban laga mamnuucay magaalada Baydhabo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---