Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Gaadiidka qaar iyo Mooto Bajaajta oo Mudo kooban laga mamnuucay magaalada Baydhabo

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi ka socdaan howlgalo wadajir ah ay sameenayaan ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM.

Ciidamada ayaa howlgalo gaar ah ka fuliyay xaafado badan oo katirsan magaalada Baydhabo , waxa ayna ciidamada soo xireen dad badan oo lagu tuhmayo in xiriir la leeyihiin Al Shabaab .

Dhinaca kale magaalada Baydhabo ayaa mudo labo maalin ah waxaa laga mamnuucay in lagu dhax arko gaadiidka gaar ahaan gaariga Noah-da loo yaqaan iyo sidoo kale mooto bajaajta.

Dadka iska leh gawaarida Nohada iyo mooto bajaajta ayaa lagu amray in aysan guryahooda kasoo bixin mudo labo maalin ah oo magaalada Baydhabo ay ka socdaan xaqiijinta amaanka.

Howlgalada iyo amarka kasoo baxay laamaha amaanka magaalada Baydhabo ayaa kusoo aadaya xili sabtidii magaalada Baydhabo ka dhaceen qaraxyo ismiidaamin ah ay ku dhinteen dad badan oo shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Trump oo ciidankiisa kala baxaya inta badan dalalka Yurub

Caydiid Ali

Dhibaatada Dhaqaale ee Turkiga oo laga cabsi qabo in ay ku faafto Wadamo Kale !!

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Amal Bank oo xarun cusub ka furatay dhismaha Muqdisho Mall

admin
Taboola Ads ---