Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Sidee Xassan Shiikh oo loogu soo dhoweeyey Magalada Dhuusamareeb?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaasoo uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda.

Safarka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxmauud ee Galmudug ayaa la xariira dhammeystirka howlgalka ka dhanka ah al shabaab ee ka socda deegaannada Galmudug.

Xasan Sheekh oo markii dib loo doortay ku dhawaaqay dagaalka ballaaran oo ka dhan ah al shabaab ayaa saldhiggiisa ugu weyn ee uu dagaalka ka hoggaaminayo ka dhigay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug,

waxaa tan iyo markaas  ciidamadda xoogga dalka oo kaashanaya ciidamadda degaanka ay shabaab ka xoreeyeen degmooyin iyo magaalooyin badan oo ay shacabka ku dhibaateynayeen.

Related posts

Virginia Gamba oo Muqdisho timid iyo Ra’isul Wasaare Kheyre oo la kulmay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dood adag oo ka taagan in Gabar noqon karto Qaadiga Muslimiinta dalka Kenya

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo mar kale dib u dhigtay furitaanka duulimaadyada gudaha

Caydiid Ali
Taboola Ads ---