(Akhriso) Magacyada qaar ka mid ah dadkii lagu dilay weerarkii ka dhacay Gaalkacyo

Weerarkii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo isugu jiray qaraxyo ismiidaamin ah iyo mid toos ah ayaa waxaa lagu dilay  Shiikh C/weli Shiikh Cali Cilmi Yare oo ah wadaad Suufi iyo qaar ka mid ah xertiisa oo wadar ahaan gaaraya illaa 20 qof

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa qaraxyada hore ka dib gudaha u galay Mowlaca Shiikh C/wali oo ku yaalla koonfurta magaalada Gaalkacyo halkaasoo ay ku laayeen shiikha iyo qaar ka mid ah dadkii la joogay.

Qof ka mid ah dadkii ku jiray xarunta Shiikha balse ka badbaaday weerarka ayaa sheegay in wadar ahaan dadka halkaas ku jiray ay dhamaayeen 130 qof oo isugu jiray, ilaalo hubeysan, khaadimiin ama adeegayaal iyo qaar kale oo wax ka qaadi jiray qasiidooyin halkaas lagu qaadi jiray.

Haddaba waxaa inoo suuragashay inaanu helno magacyada qaar ka mid ah dadkii lagu weerarkaas lagu dilay.

Dadka ku dhintay weerarka waxaa ka mid ah:

1-Shiikh CabdiWeli Shiikh Cali Cilmi Yare wadaadkii xarunta lahaa ee la weeraray.

2-Farxaan Garyare Cali: ilaalada xarunta.

3-Suudi Cabdi Kulane: ilaalada xarunta.

4-Ceynaanshe Shiikh: Wuxuu ka mid ahaa dadkii qasaa’idka qaada jiray, wuxuu sidoo kale garaaci jiray qalabka.

5-Maxamed Khaliif Axmed: Qasaai’dka ayuu qaadi jiray.

6-Sayid Bakar Shiikh Cabdi: Wuxuu ahaa sawir qaade ka tirsan xirta.

7-Cabdi Mahad Cali Abshir: Durbaanka ayuu garaaci Jiray xiliyada loo baahdo.

8-Shiikh Cali Shiikh Maxamed Cismaan: Culimada u adeega Shiikha la dilay.

9-Cabdinuur Shiikh Cabdiweli Shiikh oo uu dhalay shiikha xarunta lahaa ahaana wiil qasiidooyinka qaadi Jiray.

Haweenka lagu dilay weerarka oo isugu jiray kuwo u adeega Shiikha iyo qaar qasiidooyinka wax ka qaadi yiray, waxaana iyana ka mid ahaa:-

1-Nasra Shiikh Cabdulwali shiikh Cali oo uu dhalay Shiikha

2-Xamdi Xasan Shiikh Axmed

3-Xaawo Cabdi Kulane

4-Bilsan Shiikh

Waxaa kale oo jira dad kale oo lagu dilay weerarkan balse aysan inoo suuragelin iney helno magacyadooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -