Allbanaadir.com
NEWS

Netanyahu oo doonaya in dib loo dhigo dhageysiga dacwad loo heesto

Ra’isul Wasaaraha maamulka Israa’iil Binjamin Netanyahu , ayaa doonaya in dib loo dhigo dhageysiga dacwado musuqmaasuq oo loo heesto, xilli ay soo dhawdahay xilligii lagu ballaamay in la dhageesto dacwadaha loo heesto.

Shabakadda YNet News ee Israa’iil  laga leeyahay ,ayaa ku warramaysa in qareennada Netanyahu ay ka codsadeen maxkamadda degmada Jerusalem in ay dib u dhigto dhageysiga dacwadda musuqmaasuq muddo laba bilood iyo bar, iyaga oo sabab uga dhigaya dagaalka Israa’iil ka wado Gaza iyo Lubnan.

Ra’isul Wasaare Binjamin Netanyahu, ayaa lagu eedeeyay in uu ku kacay musuqmaasuq, laaluush qaadasho  iyo jabin kalsoonida bulshada, waxaana saddex kiis oo dacwadahan la xiriira la gudbiyay sannadkii 2019, iyadoona la qorsheeyay in uu maxkamadda hor yimaado Netanyahu  2-da bisha December.

Times of Israel, oo soo xiganaysa warbaahinta afka Cibraaniga ah, ayaa iyana sheegtay in qareenadda Netanyahu ay ku andacoodeen in ay ku adagtahay in ay diyaariyaan marqaatiyada kiiskan, waxa ayna sheegeen in xilligan jirto xaalad amni iyo sidoo kale mid diblumaasiyadeed.

Ra’isul Wasaare Binjamin Netanyahu ayaa wajihi doona ilaa 10 sano oo xarig ah ama ganaax lacageed oo aad u badan, haddii lagu helo inuu laaluush qaatay , sidoo kale galay dambiyada kale ee musuqmaasuqa la xariira uu ku kacay..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo Wafdi Sare u dirtay xalinta dagaalka Kaxandhaale (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu dambeeyay qaraxii ka dhacay Muqdisho iyo Khasaaraha ka dhashay

Cabdi Cade

Askar katirsan Milatariga Sudan oo xabsi laga sii daayay loona qeybiyay Lacag

Cabdi Cade
Taboola Ads ---