Ciidamo cusub oo ka qeyb qaadanaya dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab oo Soomaaliya imaanaya (Daawo Sawirro)

Dowlada Uganda ayaa tababar usoo xirtay ciidamo cusub oo katirsan Milatariga dalkaasi ,kuwaa oo lagu wado in la keeno Soomaaliya si ay uga qeyb galaan dagaalka ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM kula jiraan Al Shabaab.

Taliyaha Ciidamada difaaca dalka Uganda David Muhoozi ayaa tababarka usoo xiray ciidankan cusub ee loo soo dirayo Soomaaliya, waxa uuna taliyaha kula dar daarmay ciidankan in ay ilaaliyaan dishabiliinka kana soo baxaan waajibka loo xil saaray.

Waxa uu taliyaha ciidanka Soomaaliya la keenayo u sheegay in Al Shabaab kaga adkaan karaan dagaalka ay kala hortagayaan hadii ay u dhaqmaan sida loo tababaray kuna darsadaan geesinimo dheeraad ah.

Ciidamadan cusub ee dowlada Uganda usoo direyso Soomaaliya ayaa katirsan qeybta 26-aad ee ciidanka difaaca Uganda, waxaana ciidankan usoo dhamaada tababar 6-bilood socday oo lagu barayay habka dagaalka iyo sida howlgalada loo qaado.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -