Maraykanka oo qaadaya talaabo sii xumeyneysa xiisada kala dhexeysa Shiinaha

Dowlada Mareykanka ayaa ansixiyay in hub laga iibiyo Taiwan, kaasoo ku kacayo qiyaastii $1.8bn (£1.4bn).

Tallaabadan ayaa la rumeysan yahay inay sii xumeyneyso xiisadda Mareykanka iyo Shiinaha.

Pentagon-ka ayaa sheegay in heshiiskan uu dhigayo iibka hub ay ka mid yihiin gantaallo iyo madaafiic casri ah

Taiwan oo isu aragta inay tahay dal goonni u taagan, waxaa loo yaqaannaa gobol ka tirsan Shiinaha.

Xiisadda Taiwan iyo Shiinaha ayaa isa soo tareysay sanadihii ugu dambeeyay, iyadoo Beijing aysan weli amrin in si xoog ah ay u soo ceshato jasiiraddaas.

La taliye dhanka ammaanka oo Mareykan ah Robert O’Brien ayaa sheegay in jasiiraddaas ay u baahan tahay inay is difaacdo mustaqbalka.

Wasaaradda Gaashaandhigga Taiwan ayaa sheegtay in hubka uu ka caawin doono xoojinta ciidamadeeda ammaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -