Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Jubbaland ayaa Maanta Xukun ka soo saartay kiiska eedaysanayaasha kala ah: Maxamed Aadan Sahal iyo Muuse Maxamed Nuur oo kamid ahaa Ciidamada Jubbaland kuna eedeysan la shaqeynta Kooxda Al-shabaab iyo ka iibsashada kooxdaas Hubkii Dowladda ugu dhiibtay inay ku difaacaan Shacabka Jubbaland.
Fadhiga Maxkamada ayaa Waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha Maxkamada Labadiisa Kuxigeen, Xeer ilaaliyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, iyo Ehelada eedeysanayaasha.
Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud Ibraahim ayaa Sheegay in Maxamed Aadan Sahal iyo Muuse Maxamed Nuur ay Maxkamada ku heshay Dambiga lagu soo eedeeyay waxayna Maxkamada Ku Xukuntay min 5-Sano oo Xabsi Ciidan ah.
Sidoo kale Maxkamada ayaa soo bandhigtay Qoryihii ay iibsadeen oo Ehelada Dambiilayaasha ay Maamulka Jubbaland usoo celiyeen.
Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud Ibraahim ayaa sheegay Cidii aan ku qanacsaneyn Xukunka Maxkamada ay u furan tahay Racfaan ku eg inta Sharciga ogolyahay.