Siciid Deni oo xilka ka qaaday Taliyaashii Ciidanka Daraawiishta kuwa cusubna Magacaabay

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 47 ee 24-ta October, 2023, kuna saabsan magacaabid Taliyaha iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

Siciid Deni ayaana xilka ka qaaday taliyihii hore ee ciidanka Daraawiishta iyo kuxigeenkiisa, waxa uuna hadda u magacaabay taliyaha Daraawiishta S/Guuto Aadan Cabdi Xaashi, halka kuxigeenkiisa loo magacaabay S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac.

Wareegtada magacaabista ayaa u qorneyd sida tan :

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda
Ciidanimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/Guuto Aadan Cabdi Xaashi loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

2. Waxaa S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Ilig) loo magacaabay Taliye Ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -