Haweeney Soomaali ah oo loo Magacaabay la taliyaha Xoghayaha Guud ee Q/Midoobey

Xoghayaha Guud ee Q/Midoobey António Guturres ayaa haweeney Soomaali ah oo heysata dhalashada dalka Canada u magacabay la-taliyeyaashiisa howlgallada nabad ilaalinta Caalamka.

Ilwaad Elman Cali Axmed ayaa shaacisay in lagu daray la-taliyeyaasha António Guturres, wuxuuna xilkeedu noqon doonaa la-taliyaha António Guturres ee maalgelinta howlgallada Nabad ilaalinta ee dalalka soo kabanaya.

Waxay Ilwaad ka mid tahay haweenka  u dhaqdhaqaaqa Nabadda iyo xuquuqda aadanaha, waxayna iyada iyo Hooyadeed wada maamulaan Hay’adda Elman ee Nabadda iyo xuquuqul insaanka ee ka shaqeysa Soomaaliya.

Boggeeda Instagram-ka ayey Ilwaad ku soo qortay magacaabisteeda, iyadoo sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay ka mid noqoshada la-taliyayaasha Xoghayaha guud ee Q/Midoobay.  Haweeneydan oo 28 sano jir ah ayaa ku dhalatay Muqdisho intii aysan qoyskeeda u qixin dalka Canada, waxayna ka mid tahay afar gabdhood oo uu dhalay Elman Cali Axmed.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

- Advertisement -