Allbanaadir.com
NEWS

Daacuun laayey dad boqol qof ka badan oo ka dilaacay gobolka..

Ku dhawaad 100 qof ayaa u dhintay daacuun caloole laba toddobaad gudahood, tan iyo markii uu cudurkan biyaha ka dhasha uu ka dillaacay gobolka Niilka Cad ee dalka Suudaan. Sidaaina waxdaa sheegtay hey’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF

Sida hey’adu sheegtay waxaa xaaladda gobolkan uga sii daray korontada oo dad badan ka go’day iyo tubooyinka iyo ceelsha biyaha oo aan shaqeyneyn.

Sida ay wararku sheegayaan, dadka gobolka ku nool ayaa sidaa daraadeed ku qasbanaaday in ay badankood ku tiirsanaadaan biyaha lagu soo dhaamiyo gaari-dameerrada oo caafimaadkooda iyo nadaafadoodu aaney wanaagasaneyn.

In ka badan 2,000 oo qof ayuu soo ritay daacuunka tan iyo 20-kii bihsii Febraayo, ilaa iyo markaana waxaa u dhiintay dad gaaraya 92qof.

Sudan waxa uu dagaal ka socdaa ku dhawaad laba sano ka dib markii ay xurguf dhex martay ciidamada Sudan iyo kooxda ka soo horjeeda ee RSF, dagaalka oo ka bilowday magaalada Khartoum ayaa ku fiday guud ahaan dalkaas.

Related posts

Ku dhawaad 10-kun arday oo u fariisatay imtixaanka Aakhirka Ah ee Jaamacadda UNISO

Cabdi Cade

Madaxweyne Laftagareen oo lagu soo dhoweeyey degmada Wanle-weyn (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii Masjid Cali Gaduud iyo cidda gacanta ku heysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---