Arday Maraykan ah oo sabab yaab leh u laayey arday kale oo saaxiibadiis ahaa (Sawirro)

Booliska Mareykanka ayaa sheegay in laba arday la dilay, dhowr kalena la dhaawacay ka dib markii arday hubeysan uu rasaas ooda uga qaaday dugsi sare oo uu ku yaalla gobolka California.

Weerarkan ayaa ka dhacay dugsiga sare ee Saugus, ee waqooyiga Los Angeles, saacado ka hor inta uusan bilaabmin sannad dugsiyeedka cusub ee Mareykanka.

Ardaygan ayaa halkaa ku dilay ardaydii ay wax wada dhiganayeen, waxaana booliska gobolkaas ay shegeen in ardeygan oo lagu magacaabo Nathaniel Berhow uu u dabaaldegayay 16 sano guurada dhalashadiisa. Wuxuu dabaaldega dhalashadiisana ka dhigay inuu laayo saaxiibadii ay wax isla baranayeen.

Qori uu sitay ayaa la sheegay in uu kala soo baxay boorso uu ku watay dhabarka, waxaana uu toogasho ku bilaabay ardaydii iskoolka dhiganeysay.

Markii uu rasaasta ku furay ardayda, ka dib ayuu isla isagiina isku dhuftay xabadda, inkastoo uu badbaaday. Booliska ayaa sheegay in ninkan lagu xiray isbitaal lagu weynayo.

Wax cusub maaha toogashooyinka ka dhaca iskuulada Maraykanka balse arinta yaabka leh ayaa waxay tahay in arday uu laayo saaxiibadiis ay wax isla baranayeen, si uu ugu dabaaldego dhalashadiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -