Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) War cusub oo ka soo kordhay dil dhowaan London loogu geystay wiilal Soomaali ah

Nin dhalinyaro ah oo 18 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah oo ku saabsan labo dhalinyaro Soomaaliyeed oo toori lagu dilay maalmo ka hor magaalada London.

Ninkan oo lagu magacaabo Isaiah Popoola oo 18 ah ayaa loo heystaa dilka Cabdiqaadir Xasan oo 17 jir ah iyo Sadiiq Aadan Maxamed oo 20 jir ah, kuwaasoo talaadadii la soo dhaafay lagu diley xaafadda Camden.

Waxaa sidoo kale ninkan loo heystaa dhaawacyo uu u geystay labo qof oo kale isla habeenkaas uu dhacay falka dilka ah.

Mr. Popoola ayaa kasoo muuqday maxkamadda Highbury manta, waxaana hadii lagu helo dembigan uu muteysan karaa xabsi dheer, waxaana dilka labada dhalinyarada ah lagu saleeyey falal burcadnimo.

C/qaadir iyo Sadiiq ayaa ka mid noqday illaa 15 qof oo sanadkan bilowga ah ee 2018 gudihiisa toorey lagu dilay magaalada London sida ay shaacisay Jariirada daily mail oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan booliska London.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Imaam Muslim ah oo lacag badan ugu deeqay Mashruuc lagu dhisayo Kaniisad weyn

Cabdi Cade

Shir madaxeedka Ururka Islaamka oo taageeray Qarannimada Soomaaliya iyo dagaalka …

Cabdi Cade

Gaari qaraxyo saaran yihiin oo Liido yaalla iyo ciidamada ammaanka oo…

Cabdi Cade