C/wali Gaas oo xariga ka jaray mashaariic laga hirgeliyey Qardho (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 27 November 2018 waxaa uu xadhiga kajaray Xarunta Turubitaaryada Gobolka Kar-kaar iyo Dhismaha Cusub ee Hospitalka guud ee Magaalada Qardho.

Gaas waxaa ku wehelinayey xadhig jarka, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, qaar kamida golaha xukuumada Dowladda Puntland, maamulka Degmada, kan Gobolka karkaar iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.

Mashaariicdan ayaa ah mashaariico hormarineed oo lagu dhisayo qorshaha isku tashiga shacabka iyo Dowladda Puntland ee ay hormuudka u tahay xukuumadda Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, iyadoo maanta uu Madaxweynahu xariga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta turubitaaryada oo ah xarun lagu ilaalinayo canshuuraha iyo Hospitalka guud ee magaalada Qardho.

Dhinaca, kale Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Cabdinaasir Cismaan Cuuke ayaa ka warbixiyey guud ahaan shaqada wasaardda Caafimaad, isagoona tilmaamay in wasaaradu harumar balaadhan ay ku tilaabsatay ayna aad uga shaqaysay sidii Hospitaalo casriya loo heli lahaa.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kalmad koobn ka jeediyay munaasibadii xadhig jarka xarunta Hospitalka Qardho ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa”

“Aad iyo aad ban ugu mahad naqaynaa intii soo qabn qaabisey xafladan, waana ku faraxsanahay, aad iyo aad baana u bogaadinaynaa waxa quruxda badan ee meesha ka dhacay, waxaan u nimid inaan bogaadino intii kasoo qayb qaadtay in Hospitlkan quruxda badan maanta noo dhismo” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -