Shir Adis Ababa uga Furmay Xukuumada iyo Mucaaradka Itoobiya (Daawo Sawirada)

Magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya waxaa ka furmay shir ay leeyihiin Xukuumada Itoobiya iyo Mucaaradka dalkaasi, waxaana shirkan laga hadlayaa arimo xasaasi ah.

Shirkan uu soo qaban qaabiyay Ra’isul Wasaaraha dowlada Itoobiya Abiy Ahmed ayaa diirada lagu saarayaa sidii doorasho caddaalad ah, xor iyo nabad ah uga dhici lahayd dalka Itoobiya.

Waxaa ka qeyb galaya shirkan Xubno kamid ahaa mucaaradka dalka oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay, waxaana shirkan gabo gabadiisa la filayaa in laga soo saaro qodobo ku aadan doorashada la filayo in dalkaasi ka dhacdo 2020-ka.

Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed ayaa Dalka Itoobiya ka sameeyay isbadal balaaran, waxa ayna dowlada uu hogaamiyo Abiy Ahmed heshiis la gashay Mucaaradka hubeesan ee dagaalka kula jiray Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -