Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya oo lagu casuumay shir ka dhacaya magaalada Sochi ee dalka Ruushka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa , ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka “ma degane” Ruushka u qaabilsan  Soomaaliya, Mudane Mikhail Golovanov.

Wasiirka iyo safiirka Ruushka ayaa kulankooda intii uu socday waxa ay uga wada hadleen   dhowr arrimood oo khuseeya amniga, bulshada iyo bani’aadantinimada, waxa ay sidoo kale kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal.

Kulanka ayaa sidoo kale intii lagu guda-jiray, waxa uu Wasiir Fiqi guddoomay casuumaadda rasmiga ah ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika oo lagu wado inay ku qabsoonto magaalada Sochi 11-12 November.

Dowladda Ruushka ayaa saameyn xooggan ku yeelaneysa dalalka kuyaalla qaarada Afrika sanadihii lasoo dhaafay, waxaana shirkan ka dhacaya dalka Ruushka dalalka sannadkan lagu casuumay kamid ah Soomaaliya iyo waddamo kale oo Afrika kuyaalla.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo saxiixay sharciga burinta Is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland ee ay ansixiyeen…

Cabdi Cade

Wado si qurux badan looga dhisay Muqdisho oo xariga laga jaray (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Xubnaha Al Shabaab kasoo goosanaya iskuna soo dhiibaya ciidanka Dowladda oo kordhay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---