Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal dhimasho geystay oo caawa ka dhacay degmada Buulo Burde

Degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan waxaa ku dagaalamay caawa Ciidamo ka wada tirsan Milatariga Soomaaliya kaasoo khasaara kala duwan dhaliyay.

Gaari uu leeyahay Taliyaha qeybta 27aad ee Milatariga Soomaaliya ayaa la sheegay in lagu dhuftay Mooto oo uu watay Askari kale halkaasoo murankii ka dhashay darteed u wacday Gaari Ciidan oo isla Milatari ah.

Labada Ciidan ayaa Daqiiqado israsaaseeyay, waana sababta keentay khasaaraha.

Inta la ogyahay Askari ayaa dhintay laba kalena way dhaawacmeen, waxaana lagu guulaystay in dagaalka la joojiyo.

Wararka ayaa sheegaya inay weli taagan tahay xiisadda dagaalkan, inkastoo lagu mashquulsan yahay daminteeda.

Related posts

Faahfaahino ka soo baxaya qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Baladweyne

Caydiid Ali

Gud. Maxkamadda Racfaanka G/Banaadir oo u hanjabay dadka isticmaala baraha bulshada

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii xooganaa ee goordhaw ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---