Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii xooganaa ee goordhaw ka dhacay Muqdisho

Waxaa goordhaw qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay koontarool ciidamada Nabad sugida ku sugnaayeen oo kuyaala daljirka Dahsoon gaar ahaan afaafka hore ee xarunta Nabadf sugida ee Godka Jilacow.

Gaari ayaa ku qarxay koontaroolka ay ciidanka nabad sugida ku sugnaayeen, waxaana xiliga uu qaraxu dhacayay koonatroolka ku sugnaa gaadiid kala duwan oo doonayay in ay ka gudbaan baarista.

Qaraxan waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo ciidamo, waxaa sidoo kale qaraxa la sheegay in dhaawac fudud uu kasoo gaaray Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa dadka ka bad baaday ee goobta ku sugnaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay askari ilaalo u ahaa iyo darawalkeeda.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin qaraxan goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay kamid tahay goobaha sida weyn amaankeeda loo ilaaliyo.

Al Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada qaraxan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in saraakiil iyo ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya ku dileen qaraxaasi.

Qaraxan ka dhacay maanta magaalada Muqdisho ayaa noqonaya kii sadexaad oo gaari loo adeegsado oo bishan ramadaan ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan uu dhacay xili ay inta badan xiran yihiin wadooyinka Muqdisho .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -