Allbanaadir.com
NEWS

Burcad badeed Soomaali ah oo afduub ka geestay xeebta Baargaal

Wararka ka imaanaya xeebaha degmada Baargaal ee Calbari ayaa sheegaya in halkaasi dabley hubaysani maanta ka af-duubteen doon kalluumeysi oo laga lee yahay dalka Iraan.

Kooxda hubaysan oo lagu tuhmayo in ay burcad-badeed yihiin ayaa maanta xeebaha degmada Baargaal ee gobolka Raasi Casayr (Bari) waxay ka af-duubteen doon kalluumeysi oo laga lee yahay waddanka Iraan sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo amni.

Sarkaal ka tirsan laamaha Amniga Puntland oo ka gaabsaday in magaciisa la xigto sababa la xiriira in aanu ogolaansho u haysan warbaahinta ayaa sheegay in laba kamid ah ilaaladii doontu ay fududaysay in ay kooxda u suurta-gasho af-duubka doontaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dableydii doonta af-duubtay ay markiiba la aadeen dhinaca badweynta si ay ugu soo qafaashaan maraakiibta kala duwan ee gooshaysa xeebaha Soomaaliya.

 

Related posts

Baahida ka jirta Isbitaallada Muqdisho iyo Bukaannada la xanuunsan Covid-19

Cabdi Cade

Wasiir Xundubey oo banaanka soo dhigay arrimo xasaasi ah iyo DF oo shaaca ka qaaday..

Caydiid Ali

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dil loo geestay Macalimiin Kenyan ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---