Allbanaadir.com
NEWS

Sanbaloolshe & Dabageed oo gaaray goobihii la isku fara saaray (Sawirro)

Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Madaxweyne Ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar, ganacsade Liibaan Ahmed Xasan iyo saraakiil ayaa gaaray goobihii saaka lagu dagaalamay gobolka Hiiraan.

Masuuliyiintan ayaa warbixino ka dhegeystay saraakiisha hogaamineysay dagaaladii saaka ka dhacay degaanada Al kowsar iyo cadow Gurey oo lagu laayey al shabaabkii ugu badnaa

Sambaloolshe iyo dabageed ayaa la sheegay iney halkaas u tageen xoojinta abaabulka dagaal ee ka dhanka ah Al shabaab iyo dhiirgelinta ciidamada

Al-Shabaab ayaa maanta weeraray deegaannada Alkowsar iyo Cadow Gurey, oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo dagaal culus uu ka dhacay.

Aroornimadii hore ee maanta, kooxda Al-Shabaab oo iska soo hormarisay laba qof oo isku soo xiray walxaha qarxa ayaa weerar ku qaaday deegaanka Cadow Gurey, oo saldhig u ah ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ka howlgala inta u dhexeysa degmooyinka Halgan iyo Buuloburde.

Ciidanka Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo Ciidanka Xoogga Dalka ayaa war ay soo saareen ku shaaciyey iney fuliyeen duqeyn lagu dilay 48 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo dagaalyahano ka tirsanaa al-shabaabkii saaka soo weeraray degaanno ka tirsan Gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Nin 71-sanno jir ah oon waligiis u dhawwaan lana macaamiil wax haween ah !

Cabdi Cade

Deni iyo Diyaano oo loogu baaqay in si deg deg ah dagaalka Boosaaso u joojiyaan

Cabdi Cade

Masuuliyiin ka tirsanaa dowladdii Madaxweyne Al-Bashiir oo xabsi loo taxaabay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---