Rabshado khasaaro dhaliyay oo ka dhacay magaalada Bristol (Daawo Sawirada)

Rabshado xoogan oo waxyeelo kasoo gaartay ciidamada booliiska Britain ayaa ka dhacay magaalada Bristol, waxaana rabshadahan dhigayay dad careesan oo kasoo horjeeday hindisa sharciyeedka booliiska iyo dambiyada.

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada Bristol kuwaa oo dhagaha ka fureestay amar kasoo baxay booliiska oo ku adanaa in aan la qaban karin banaan bax xili ay xayiraad jirto.

Dadka banaan baxa dhigayay ayaa weeraray saldhigyo booliis, waxa ayna gubeen qaar kamid ah gaadiidka ciidamada booliiska, waxaana muuqaalo lasoo duubay laga arkayay dadka banaan baxaya oo gubaya gaadiidka ciidamada .

Qaar kamid ah ciidamada booliiska magaalada Bristol ayaa ku dhaawacmay rabshadahan ay sameeyeen dibad baxayasaha, waxaana qaar kamid ah ciidamada booliiska la sheegay in ay qabaan dhaawacyo culus.

Xoghayaha arrimaha gudaha ee Britain Priti Patel, ayaa si kulul u canbaareesay rabshadahan booliiska lagu waxyeeleeyay, waxa ayna ku tilmaamay kuwa aan la aqbali karin sidoo kale aan loo dulqaadan doonin.

“Rabshado iyo kala dambeyn la’aan ay sameeyaan dad yar ma aha mid loo duqaadan doono, booliiska ayaa waxay naftooda halis u galiyeen si ay noo difaacaan” ayey tiri xoghayaha arimaha gudaha Britian.

Dadka banaan baxa dhigayay ayaa kasoo horjeeday hnidise sharciyeedka cusub ee booliiska iyo dambiyada, waxa ayna dadka banaan baxa dhigayay sheegayeen in sharcigan cusub awood siin ayo booliiska si ay uga hortagaan banaan baxyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -