Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo shaacisay in Al Shabaab lagu jabiyay weerarkii saakay

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa saakay iska caabiyay weerar qaraxyo ku bilowday oo kooxda Al Shabaab kusoo qaadeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka ayaa lagu qaaday fariisimo ciidanka ku lahaayeen deegaanada Ceel Cali Axmed iyo Cali Fooldheere, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo dhiig badan ku daatay.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee howlgalka hoggaamineysa ayaa Warbaahinta u sheegay in Al Shabaab weerarka ku jabiyeen, waxa ayna xuseen in meydadka kooxdaasi ay daadsan yihiin deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan looga laayey.

Kooxda Al Shabaab ayaa dhankooda guulo ka sheegtay weerarka ay saakay ku qaadeen fariisimaha ciidanka huwanra ah, waxa ayna sheegeen in askar badan dileem sidoo kale qabsadeen xeryihii ay weerareen.

Related posts

Booliska Magaalada Brisbane oo toogasho ku dilay Soomaali Mindi ku hubeysnaa

Caydiid Ali

Saraakiisha socdaalka DF oo nin caan ah ku xanibay garoonka Muqdisho

Caydiid Ali

Ciidamada Danab oo Al-Shabaab kala wareegay degmada Kurtunwaarey & Maxaabiis..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---