Saraakiisha heyadda socdaalka iyo jinsiyadaha ee DF ayaa garoonka ku Aadan Cabdulle ku xanibay nin caanka ah baraha bulshada oo la baxay Wasiirka Cadaalada Social media xili uu doonayey inuu halkaas ka dhoofo.
Ninkan ayaa heystay Baasaboor iyo Vise sax ah, wuxuuna ku sii jeeday Magaalada Qaahira ee dalka Masar, iyadoo laga reebay dayuurada Ethiopian Airlines.
“Safarkii waa la iga reebay wax sabab ah la iima sheegin, baasaboorkaygii waa la iga qaatay, Boorsadeydii waa maqan tahay arrintaas waxaa masuuliyadeeda qaadaya Mustaf Dhuxulow iyo saraakiisha laanta socdaalka oo dhibaatadaas ii geystay” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Social Mediyaha oo Muuqaal soo dhigay baraha bulshada.
Wararka ayaa sheegaya in ninkan uu dhowaan wax ka sheegay dhibaatooyin iyo cabaqabado musuq la xiriira oo saraakiisha socdaalku ku hayaan dadka safarka ah ee ka dhoofaya garoonka Aadan Cabdulle, waxaana la aaminsan yahay in  sababtaas awgeed safarka looga reebay.
Maalmo ka hor ayey aheyd markii shabakada Allbanaadir Online ay baahisay warbixin la xiriirta musuq baahsan oo saraakiisha laanta socdaalku ka wadaan garoonka Aadan Cabdulle.
Saraakiisha ayaa safarada ka xaniba dhalinyarada u dhoofeysa dalalka Masar Itoobiya & Turkiga iyagoo marmarsiiyo ka dhiganaya iney tahriib u socdaan si ay uga qaataan lacag laaluush ah oo safarkooda loogu ogolaado, iyadoo qofkii lacagtaas diida laga reebo dayuurada uu ku qoran yahay isagoo xitaa wata dokumenti sax ah.
HOOS KA DAAWO HADALKA WASIIRKA CADAALADA BARAHA BULSHADA.