Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo Hargeysa ka joojisay bandhig faneedyada iyo caweeska

Qoraal kasoo baxay maamulka gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland ayaa laga mamnuucay in magaalada Hargeysa lagu qabto bandhig faneedyada ay qabtaan fanaaniinta iyo sidoo kale caweyska heesaha ee la qabto xilliyada habeenkii ah.

Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ayaa ku amray hoteelada kuyaalla magaalada Hargeysa in aan lagu qaban karin wax bandhig faneed iyo caweyska heesaha, waxa uuna taliyaasha booliiska magaalada amray dhaqangelinta amarka mamnuucida.

Qoraalka kasoo baxay maamulka Hargeysa ayaa lagu sheegay in fandhig faneedka iyo caweyska heesaha ay liddi ku yihiin diinteena suuban iyo anshax-wannaaga,  waxa uuna amray in tallaabo laga qaado ciddii amarkan kahor timaada.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Gaashaandhiga oo kulan la qaatay Saraakiil ka socotay Midowga Yurub (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Shaki laga qabo mar kale in uu Farmaajo abaabulo dagaal ka dhan Mucaaradka & Doorashooyinka bilowday !!

admin

Qodobada Muhiimka ah ee laga reebay War-Murtiyeedkii shirka Golaha wadatashiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---