Ciidamada Danab oo Al-Shabaab kala wareegay degmada Kurtunwaarey & Maxaabiis..

Wararka ka imanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kumaandoska Soomaaliya ee Danab ay la wareegeen xarunta degmada Kurtunwaarey oo ka mid ah degmooyinka gobolkaas

Ciidamada Danab ayaa saaka qaaday Weerar qorsheysan oo ay kula wareegeen degmada Kuntuwaarey, waxaana halkaasi isaga baxay xoogagii Alshabaab, lamana soo werin dagaal ka dhacay halkaasi.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in saraakiil ka tirsan Alshabab lagu qabtay degmadaas, ayna haatan gacanta ugu jiraan ciidamada dowlada.

Sidoo kale Ciidanka ayaa xabsiga degmada ka sii daayey Maxaabiis badan oo Al-shabaab u xirnaa, waxaana degan xaaladda degmada, iyadoo ay ciidamada u gudbeen dhinaca degaanada ku dhow degmada.

Kurtunwaarey waxay muddo dheer gacanta ugu jirtay Alshabaab, waxayna ahayd xarun maxkamad loo doonto iyo saldhig ciidan oo laga soo abaabulo weerarada sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -