Puntland oo ka hor timid qodobadii ka soo baxay isimida ee lagu xalinayey khilaafka PSF

Maamulka Puntland ayaa ka hor yimid qodob ka mid ah qodobo ay soo saareen isimida gobolka Bari oo lagu xalinayey khilaafka soo kala dhex galay Maadaxweyne Deni iyo hogaanka ciidanka PSF.

Odayaasha dhaqanka ayaa qodobada ay soo saareen waxaa ka mid ahaa in guryaha, hubka iyo Gaadiidka ciidanka PSF uu milkiyadooda leeyahay taliyaha xilka laga qaaday Maxamuud Cismaan Cabdulaahi Diyaano, taas bedelkeedana u wareejiyo xilka.

Hase ahaatee War-saxaafadeed caawa ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in guryaha, hubka iyo Gaadiidka ciidanka PSF ay tahay hanti ay leeyihiin shacabka Puntland, waxaana qoraalku wax laga xumaado ku tilmaamay in isimida Puntland ay siiyaan shaqsi gaar ah.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA OO DHAMEYSTIRAN.

- Advertisement -