Allbanaadir.com
NEWS

Kooxo hubeysan oo dilay Cali Hadaafow Xasan iyo faahfaahino kasoo baxaya

Kooxo burcad hubeysan oon heybtooda la garan,  ayaa xalay deegaanka Samora ee hoostaga magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ku dilay muwaadin Soomaaliyeed oo ku sugnaa goob ganacsi.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in koox hubeysan rasaas ku fureen marxuum Cali Hadaafow Xasan oo ku sugnaa goobtiisa ganacsi, waxa uuna marxuumka u geeriyooday rasaasta lagu dhuftay.

Burcada hubeysan ayaa sidoo kale la sheegay in ay dhac ka geesteen dukaanka ay weerareen, waxa ayna halkaasi ka qaateen lacago iyo agabyo kale oo dukaanka yaallay.

Soomaali badan ayaa si micnodarro ah mar kasta loogu dilaa tuulooyin iyo deegaanno katirsan dalka Koonfur Afrika , mana jiro cid wax ka qabata dilalka iyo dhibaatooyinka kale ee muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu geesto dalkaasi.

Related posts

R/Wasaare Kheyre oo gaaray Baydhabo kana qeyb galaya Aas halkaasi ka dhacaya

Cabdi Cade

Khayre oo wajahaya culeys saameyn kara rajadiisa Farmaajo oo iska dhega tiray..

Caydiid Ali

Madaxda DF iyo kuwa Dowlad goboleedyada oo kulan wadajir ah ku leh Dhuusamareeb

Caydiid Ali
Taboola Ads ---