Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Danjire dhameystay muddo xileedkiisii oo laga sagootiyey Muqdisho (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta oo Isniin ah hadimo sharafeed sagootin ah ugu sameeyay Muqdisho, Mudane Qin Jian, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo muddo xileedkiisa shaqo uu ka dhammaaday.

Wasiirka uga mahadceliyay Safiirka Shiinaha ee muddo xileedkiisa shaqo ay ka idlaatay howsha weyn ee uu ka qabtay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah, Soomaaliya iyo Shiinaha, isaga oo guddoonsiiyay haddiyado xusuus.

Soomaaliya waxa ay la leedahay Shiinaha xiriir soo jireen ah oo taariikhi ah iyo iskaashi istiraatiiji oo kobcaya.

Dowlada Shiinaha ayaa la filayaa iney dhowaan Somalia u soo dirto danjire cusub oo bedela Qin Jian oo maalmaha soo socda ku laabanaya dalkiisa.

Related posts

Somalia oo ka qeyb galaysa Shirka caalamiga ah ee IPU

Caydiid Ali

Guddiga Doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi oo la magacaabay

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo qoraal cabasho ah u gudbisay Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---